Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo safar ahaa ayaa waxaa ay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah kula qaraxday deegaan duleedka ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro kala duwan.
Ugu yaraan 9-ruux ayaa ku geeriyootay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Gaaboga-bdhoole ee ku dhow Cabdi dhoore duleedka Magaalada Kismaayo.
Dadka ku dhammaaday qaraxa qabsaday gaariga Hoomeyda ahaa ayaa waxaa kusii jeeday Magaalada Kismaayo, hayeeshee inta aysan gaarin Magaaladaas ayaa waxaa wadada ku haleelay qaraxa miinada ahaa.
Guddoomiyaha Kismaayo ahna Duqa Magaalada Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa tacsi u diray dadkii ku naf-waayay qaraxa, wuxuuna Alle uga baryay kuwa dhaawacmay inuu Alle Caafimaad ah siiyo.
Guddoomiye Cumar Cabdullaahi ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo lagula dagaalamayo Al-shabaab iyo cid walba la shaqeysa, isagoona sheegay in aysan u dulqaadan doonin daadinta dhiigga shacabka ee maalin walba qubanaya.