WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wasiir Beyle oo ka hadlay sababta uu uga haray tartanka kursiga uu ku fadhiyey

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ku faah faahiyay sababaha keenay inuu ka haro tartanka kursiga Xildhibaanimo uu ku fadhiyay.

Waxa uu sheegay Wasiir Beyle in wax badan uu ku jiro kursigiisa Xildhibaanimo uu uga haray tartankiisa habka uu u maamulayo miisaaniyadda dalka, una diiday in musuq maasuq la sameeyo, waxa uuna cadeeyay in sidoo kale uu iska diiday wax kasta oo sharci daro ah .

“Miisaaniyadda iyo dhaqaalaha dalka inaan ku maamulo si sharciyeesan oo adduunka ogyahay dadban baa ku kala dhimannay, Asxaab badan baan ku waayay, si baan waxaa u arkay in kursigeyga iyo maaliyadda inay isku taabanayaan, qofkii uu Alle u calfa baa uun heli kara” ayuu yiri Wsaiir Beyle.

Sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in hannaanka maaliyadeed ee dalku uu marayo meel wanaagsan, isla markaana bishii dowladda Mushaar siiyo 65 kun oo shaqaalo dowladeed ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Wasiir Beyle oo ka hadlay sababta uu uga haray tartanka kursiga uu ku fadhiyey
To Top