Doorashada Lix kursi oo ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland.
Doorashada kursiga koowaad ee tirsigiisu yahay HOP114 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi, waxaana doorashada kursigaas kusoo baxay Cumar Ibraahim oo helay 80 Cod.
Doorashada kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP107 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Sheekh Nuur Cismaan oo loogu coddeeyay gacan taag ah, kadib markii uu doorashada ka tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa ee Xasan Cismaan Aadan.
Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee JubalandSEIT Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay dhammaan Natiijooyinka doorashooyinkii Maanta ka dhacay Kismaayo.