WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Boqor Buurmadow oo ku dhawaaqay inay baxeen Doorashada Golaha Shacabka

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed Boqor Buurmadoow oo ay dhinacyadiisa taagnaayeen Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa qaadacay doorashada Golaha Shacabka ee socota.

Boqor Buurmadoow oo ugu horreeyn la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan waxba kala socon doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland, isla markaana ay shacabka iyo Beesha Caalamka u caddeynayaan inay baxeen doorashada Soomaaliya.

Boqorka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu boob ku haayo doorashada oo uu la wareegay hannaankii doorashada, kana dhigay Xafiiskiisa Cabdala Shideeye lagu sameeyo been abuurka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dadka la shaqeeya ugu baaqay in la joojiyo doorashada 6 kursi ee Jadwalkeeda lasoo saaray.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Boqor Buurmadow oo ku dhawaaqay inay baxeen Doorashada Golaha Shacabka
To Top