Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay 13 kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan Maamulka Jubbaland.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Jubbaland ayaa lagu bandhigay Liiska 13 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, ee deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Kismaayo.
Doorashada kuraastan la shaaciyey ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo loolan adeg ku jira.
Inta badan dowlad Goboleedyada ayaa soo saaray kuraasta doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, iyadoo doorashada lasoo gaba-gabeyn doono 25-ka bisha soo socota ee Febraayo.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Guddiga