Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Bari, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas.
Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Saciid Deni ayuu ku magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bari oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaanka
Madaxweynaha Puntland ayaa wareegtada uu soo saaray waxaa ay u qorneyd:
Markuu arkay: Dastuurka dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland.
Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1–Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.