Markab lagu magacaabo TRUST 1 ayaa waxaa uu dhawaan Dekadda weyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka qaaday xoolo nool oo farabadan, waxaana Markabkaas uu gaaray dalka Masar.
Markabka TRUST 1 ayaa waxaa uu ku xirtay Dekedda Al-Door oo 280 KM dhanka Koonfureed kaga toosan Magaalada Suweys ee dalka Masar, iyadoo Markabka sidday xoolo nool oo farabadan oo laga qaaday Muqdisho.
Markabkaasi ayaa uu waday 2,000 neef oo Lo’ Dhaylo ah ( رأس عجول حية 2,000), waana Markabkii 2-aad ee Xoolo nool u daabula dalka Masar.
Ganacsiga xoolaha nool ee ka dhexeeyay dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ayaa dib loo soo celiyay sanadkii la soo dhaafay ee 2021-kii, waxaana markabkan uu noqonayaa midkii labaad ee lagu daabulo xoolo nool.