Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay War-murtiyeedkii shalay laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 6-dii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho.
Midowga oo Qoraal soo saaray ayaa boggaadiyay tixgelinta Golaha Wadatashiga siiyeen soo jeedintooda ee ku aadan sixitaanka hannaanka doorashooyinka dalka, iyagoona rajeeyay in Madaxda ay is waafajiyaan habraaca iyo habdhaqanka.
Sidoo kale Midowga ayaa ku booriyey Ra’iisul Wasaare Rooble inuu xil iska saaro dhaqan-galka habraacyada iyo korjoogteynta daahfurnaanta doorashada iyo furista saaxada siyaasadda oo ay ugu horreeyso xorriyada Muddaharaadka iyo kulamada la qabanayo.
Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shalay isku raacay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo 40 maalmood.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Midowga