WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga socday Magaalada Muqdisho ayaa lasoo gaba-gabeeyay, iyada oo laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Madaxda Golaha Wadatashiga ayaa ku heshiiyay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo 40 maalmood, laga bilaabo 15-ka Janaayo ilaa 25 Febraayo 2022, isla markaana doorashada la dedejiyo.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isla gartay in Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay xoojiyaan amniga Xarunta Madaxtooyada, sidoo kale Ciidamada ay dhex-dhexaad ka noqdaan Arrimaha siyaasadda.

Madaxda Golaha Wadatashiga ayaa inta uu socday shirkooda waxaa ay kulamo kala duwan la yeesheen Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Ururrada Bulshada Rayidka, iyagoo ka dhageystay tallooyin ku aadan doorashada.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Warbaahinta u Akhriyay War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Golaha ee lasoo xiray.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho
To Top