Wararka aan ka heleyno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan Milatariga dowladda Federaalka iyo Ciidamada Booliska Galmudug.
Ciidamada dagaalamaya ayaa wararku sheegayaan in ay isku adeegsanayaan hub nuucyo kala duwan leh, waxaana dagaalka xoogiisa ka socda agagaarka Saldhiga booliiska ee degmada Guriceel.
Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dagaalkan uu yimid, kadib markii Saldhiga Booliska Guriceel lagu xiray askar ka tirsan Ciidanka Milatariga gaar ahana kuwa Gor Gor, waxaana ciidamo arintaasi ka carooday dagaal la galeen ciidamada Booliska.
Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalka Guriceel ka socda.
Ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gor-gor ayaa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud la geeyay intii ay socdeen dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwii Ahlusunna Waljamaaca..