WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Masar

Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen iyo Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud ayaa gaaray dalka Masar.

Safiirka J.F.S ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Safaaradda kuso dhaweeyay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo dib u dhiska iyo Gudoomiyaha guddiga la-dagaalanka Musuq-maasuqa.

Wasiirka iyo Gudoomiyaha ayaa si wadajir ah ugu bogaadiyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar waxqabadka iyo Horumarka xowliga ah ee Safaaradda ka socda iyagoo sheegay in dedaalka Safiirka ay aasaas u tahay Hufnaanta shaqo, Maamul wanaagga iyo u adeegidda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Wasiir Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen iyo Gudoomiyaha ayaa Diblomaasiyiinta Safaaradda ku booriyay iney Jaaliyadda u muujiyaan dabacsanaan iyo soo dhaweyn iyagoo sheegay iney marqaati ka yihiin shaqadda wanaagsan ee ay qaranka u hayaan.

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Masar
To Top