WARARKA SOOMAALI

Faah faahin:-Koox hubeysan oo Dil ku fulisay Nabaddoono Caan ah

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa au ku dileen laba kamid ah Nabaddoonada ugu Caansan degmadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Nabaddoonada la dilay oo lagu kala Magacaabi jiray Cusmaan Cabdi Saalax & Nabaddoon Cabdullaahi Maxamed Cali ( Biyoonde) sidoo kalena ahaa Imaam Masaajid ayaa dilalkooda waxaa ay ka kala dhaceen Xaafadaha Baalguray iyo Raqayle ee degmada Afgooye.

Weli macadda sababta ka dambeeysa dilalka loo geystay labada Nabaddoon, waxaana horay degmadaasi Afgooye loogu dilay Nabaddoono kamid ahaa qaarkood kuwo soo xulay Ergadii dooratay Baarlamaankii 10aad ee waqtigooda dhamaaday, kuwaas oo dilalkooda ay sheegteen Ururka Al-Shabaab..

Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga Afgooye ayaa howlgallo ka fuliyay Xaafadaha Baalguray iyo Raqayle ee dilalka ay ka dhaceen, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay labadaasi Nabaddoon.

 

Faah faahin:-Koox hubeysan oo Dil ku fulisay Nabaddoono Caan ah
To Top