WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Dagaal Culus oo weli ka socda Boosaaso

Waxaa weli rasaas goos goos ah laga maqlayaa xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso, taas oo u dhaxeeysa Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuwa Ciidamada Hay’adda PSF.

Dagaalka ayaa salka ku haaya xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland uu ku sameeyay Agaasimaha Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, wuxuuna sigaar ah uga socdaa Xaafada Ridwaan oo ay ku yaallaan Xarumaha Ciidamada PSF.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 Ruux ooSaddex kamid ah yihiin Ciidamada Amaanka Puntland iyo laba qof Shacab ah oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Boosaaso.

Gooboogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kaantaroolka Boosaaso oo ah jidka laga galo, lagana baxo magaalada la xiray, iyada oo is rasaaseynta ciidanka Maamulka iyo PSF weli ay socoto.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Dagaal Culus oo weli ka socda Boosaaso
To Top