WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Dagaal ka socda Magaalada Boosaaso iyo faah faahin..

Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay is weeydaarsanayaan Ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa PSF.

Is rasaaseyntaan ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland ay ku dhawaadeen fariisimaha Ciidamada PSF ee Magaalada Boosaaso gaar ahaan aaga Xaafada Ridwaan.

Weli lama shaacin khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay israsaaseynta, balse waxaa uu saameyn ku yeeshay dadka Shacabka ah ee xaafadda degan.

Is rasaaseynta u dhaxeeysa Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF ayaa waxaa ay salka ku heeysaa xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland uu ku sameeyay Agaasimaha Hay’adsa PSF Maxamuud Cismaan Doyaano, hayeeshee uu kasoo horjeestay.

DEG DEG:-Dagaal ka socda Magaalada Boosaaso iyo faah faahin..
To Top