WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Laamaha amniga oo fuliyey Amar kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle

Laamaha ammaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeele ayaa  saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howgallo ballaaran ka sameyeen  Xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Howgalka oo ahaa mid qorsheysan sidoo kalena ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee Ciidanka ammaanka oo ka koobnaa Nabad Sugid iyo Boolis ayaa waxaa u jeedka howlgalku ahaa sugidda ammaanka iyo baadi goobka kooxo ka  ganacsada Maandooriyaha.

Intii uu Howgalku socday ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay Maandooriye la diyaariyay oo sida la sheegay la doonayay in Muqdisho loo soo daabulo, si dhuumaalaysi ahna lagu soo galiyo.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen haweenay gurigeeda ku keydinaysay Maandooriyaha iyo gaarigii lagu daabuli jiray, taasi oo ay sheegeen in ay u gudbin doonaan maxkamadda ku shaqada leh.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Laamaha amniga oo fuliyey Amar kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle
To Top