WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxtooyada oo beenisay in Farmaajo Darones weydiistay MW Erdogan

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay warar kala duwan oo maalmihii dambe lagu faafiyey baraha Bulshada oo sheegayay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Madaxweynaha Turkiga weydiistay diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Darones-ka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in wararka la faafiyey ee la xiriira inuu Farmaajo diyaarado Darones weydiistay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay yihiin warar been abuur ah, isla markaana uusan jirin Codsi Farmaajo u diray Erdogan.

Wuxuu sheegay Agaasime Cabdirashiid in kulankii dhexmaray labada Madaxweyne ay uga wada hadleen xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo dardar iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta, iyo bilaabidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee iskaashiga ee dalalka Afrika iyo Turkiga.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa tilmaamay in Iskaashiga amniga ee labada dal uu ku saleysan in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Al-shabaab, isagoona xusay in dowladda turkiga ay Soomaaliya ka caawisay dhinaca tababarada Ciidamada dowladda ee qeybahooda kala duwan, lana siiyey tababaro casri ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Madaxtooyada oo beenisay in Farmaajo Darones weydiistay MW Erdogan
To Top