WARARKA SOOMAALI

MW Farmaajo oo ka qeyb galaya Shirweyne Maanta ka furmaya Magaalada Istanbul

Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa Maanta oo Jimco ah lagu wadaa inuu ka furmo Shirweynaha 3-aad ee Madaxweynayaasha dalka Turkiga iyo kuwo ka socda dalal Afrikaan ah, kaasi oo socon doona muddo  laba maalin ah.

Shirweynaha ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Siyaasadda,  Ammaanka,  Iskaashiga, Maalgashiga, Ganacsiga iyo Milliteriga, waxaana ka qeyb galaya 13 Madaxweynayaal Afrikaan ah iyo Wafuud ka kala socota 39 Waddan

Madaxda lagu casuumay Shirweynaha ee ka qeyb galaya ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saqdii dhexe ee xalay gaaray Magaalada Istanbuul isaga iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Madaxtooyada Turkiga ayaa fidisay Casuumadda Shirkaasi oo  ka dhici doono Xarunta Shirarka ee Istanbul Congress Center, Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa la filayaa inuu Khudbad ka jeediyo Kulan Madaxeedkaasi, iyadoo Turkiga u ololeynayso in Suuq loo helo Diyaaradaha Darooniska iyo Qalabka Milliteri ee ay Shirkadaha Turkiga sida xawliga ah u soo saaran.

MW Farmaajo oo ka qeyb galaya Shirweyne Maanta ka furmaya Magaalada Istanbul
To Top