WARARKA SOOMAALI

Dowladda Masar oo Safiir cusub u soo magacaawday Soomaaliya soona gaaray…

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Masar ay u soo magacawday Soomaaliya  Maxamed Alsaciid Axmed Albaas.

Danjiraha cusub ee Dowladda Masar Maxamed Alsaciid Axmed ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey, isagoona soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Safiir Maxamed Alsaciid ayaa Wasiir  Cabdisaciid Muuse Cali uga war-bixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Danjiraha Cusub ee Masar ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Dowladda Masar oo Safiir cusub u soo magacaawday Soomaaliya soona gaaray…
To Top