WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Jubbaland oo soo saartay Liiska kuraasta ugu horreeysa Golaha Shacabka

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa xalay shaaciyay qabashada doorashada 14 kursi oo kamid noqonaya kuraasta golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Jubbaland ayey ku sheegeen in iyaga oo fulinaya waajibaadka qaran iyo Heshiisyadii Madasha qaranka ku shaaciyeen qabashada Doorashada 14 Kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan Jubaland.

Tallaabada ay Jubbaland ku shaacisay kuraasta ugu horreeysay ee Golaha Shacabka ayaa kusoo aaday, kadib markii Guddiga doorashada heer Federaal uu Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ka dalbaday inay soo saaraan Liiska kuraasta Golaha Shacabka.

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa horey u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, iyadoona deegaanada Maamuladaas lagu doortay dhowr Xildhibaan, halka sidoo kalena Guddiga doorashada Somaliland ay bilaabeen doorashada Golaha.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Jubbaland oo soo saartay Liiska kuraasta ugu horreeysa Golaha Shacabka
To Top