WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo siweyn loogu soo dhaweeyay Jowhar

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaaw iyo masuuliyiin la socotay ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka  Hirshabeelle.

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, saraakiil ciidan  iyo dadweyne farabadan oo loo sii diyaariyey.

Cali Guudlaawe ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa xaruna u aheyd Magaalada Muqdisho, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay inta uu Muqdisho joogay madaxda dowlada, Siyaasiyiin mucaarad ah iyo wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka.

Maamulka Hirshabeelle ayaana wali bilaabin  doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka bilaabatay Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah dowlad Goboleedyada, lamana oga xiliga Hirshabeelle bilaabi doonto doorashada Golaha shacabka ee muranku hareeyay.

 

SAWIRRO:-Madaxweynaha Hirshabeelle oo siweyn loogu soo dhaweeyay Jowhar
To Top