WARARKA SOOMAALI

Finland oo shaacisay inay soo iibsaneyso diyaarado Dagaal iyo sababta keentay

Dowladda Finland oo ku dhawaaqday inay soo iibsanayso 64 diyaaradaha dagaalka F-35A “Lockheed Martin F-35A Lightning II”ee Mareykanka.

War rasmi ah oo kasoo baxay shalay jimcihii Dowladda Finland ayaa lagu sheegay in F-35-kii ugu horreeyay la keeni doono sanadka 2026-ka, iyadoo lagu bedelayo F-18 Hornet ee alaabada inta u dhexeysa 2028 iyo 2030.

Finland ayaa noqon doontaa waddankii saddexaad ee ka tirsan Scandinavianka kaas oo  iibsaday F-35. Norway ayaa horey u heshay diyaaradaheedii ugu horeysay, halka Denmarka ay fileyso in F-35 ay timaado 2023-ka.

Wasiirka gaashaandhigga Antti Kaikkonen ayaa sheegay in nidaamka F-35 uu yahay kan ugu wanaagsan baahida Finland dhanka waxqabadka.

Finland oo shaacisay inay soo iibsaneyso diyaarado Dagaal iyo sababta keentay
To Top