WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Dal Afrikaan ah oo shaqada ka ceyriyay Ra’iisul Wasaarihiisa

Madaxweynaha Burkiina Faaso Roch Marc Christian Kabore ayaa shaqada ka ceyriyay ra’iisul wasaarihii dalkaaasi, iyadoo ay sii kordhayaan qalalaaso  dhanka ammnia ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

Xafiiska Madaxtooyadda ee dalkaasi ayaa sheegay in madaxweynuhu uu warqad is casilaad ah ka helay ra’iisul wasaare Christophe Dabire,sida uu ku wramay Xoghayaha guud ee dawladda Stephane Wenceslas Sanou oo la hadlay warbaahinta dalka Burkiino Faaso.

Xil ka qaadista Ra’iisul Wasaaraha ayaa imaaneysa xilli ay jiraan isku shaandheyn lagu sameeyay hoggaanka ciidanka.

Dalkaan oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan Galbeedka Afrika, ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2016-kii hareeyay weerarro ay qaadayaan kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida iyo ISIL (ISIS), kuwaasoo ay ku dhinteen 2,000 oo qof ,isla markaana ay ku barakaceen badan hal milyan oo qof.

Dibadbaxyo lagu diidan yahay dowladda ayaa ka socda waddooyinka magaalooyinka waaweyn,ka dib markii bishoo hore kooxaha hubeysan ay dileen 49-ruux oo isugu jiray ciidan iyo dad rayid ah.

Madaxweyne Dal Afrikaan ah oo shaqada ka ceyriyay Ra’iisul Wasaarihiisa
To Top