WARARKA SOOMAALI

Dad farabadan oo lagu soo qabtay howlgal Culus oo laga fuliyey Magaalada Muqdisho

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa habeenkii xalay waxaa ay howlgalo qaatay saacado ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana howlgalka laga helayaa faah faahino.

Inta uu socday howlgalka Ciidanka ka fuliyeen Kaaraan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dhalinyaro farabadan oo ay ku jiraan burcad hubeysan oo xiliyada, habeenkii ah dhac u geysta dadka shacabka iyo kooxo Ciyaal Weero ah oo dadka cabasho ka muujiyeen.

Taliyaha cusub ee Booliska Kaaraan Salaad Caraale iyo Saraakiil kale ayaa hoggaaminayey howlgalka laga sameeyay gudaha degmadaas, waxaana dadka lasoo qabtay la isugu geeyay goob barxad ah, iyadoona dhalinyarada qaar lasii daayey.

Taliye Salaad Caraale ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay mid lagu doonayey in lagu xaqiijiyo amniga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo ay ka dhaceen falal lagu dilay dad aan waxba galabsan, sidoo kalena ay ka jiraan kooxo Ciyaal weero ah oo dadka dhibaateeya.

Laamaha amniga degmada ayaa tilmaamay in howlgalka uu sii socon doono, isla markaana shacabka ka dalbaday in laamaha ammaanka Kaaraan la shaqeeyaan wadashaqeyn buuxda, si looga hortego cid kasta oo dhibaato wada.

Dad farabadan oo lagu soo qabtay howlgal Culus oo laga fuliyey Magaalada Muqdisho
To Top