WARARKA SOOMAALI

Dagaal xoogan oo Maanta dhexmaray Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Al-shabaab

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan oo u dhexeeyey Ciidamada dalka Kenya & Xoogaga Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Hoosingow oo ka tirsan Gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar ay dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool, sida ay ku warrameen qaar kamid ah dadka degaanka oo la hadlay Warbaahinta.

Wararka ayaa sheegaya in inta uu dagaalka u dhexeeyay Ciidaanka iyo Al-shabaab socday ay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa, walow aan la caddeyn karin khasaaraha soo kala gaaray,

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana Hoosingow haatan howl-gallo wadajir ah ka wada ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa Daraawiishta ee maamulka Jubbaland, kadib dagaalkii xooganaa ee Maanta ka dhacay deegaanka Hoosingow.

Dagaal xoogan oo Maanta dhexmaray Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo Al-shabaab
To Top