WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Guddiga Doorashada oo laalay kuraas lagu doortay Magaalada Baydhabo

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal ayaa sheegay in la baabi’iyey natiijada doorashada kuraasta HOP154 iyo HOP103 oo ka dhacday magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa sheegay in kuraastaas lagu celinayo doorashadooda, maadaama aan loo marin habraacii loogu talo galay doorashada Golaga Shacabka Baarlamaanka 11-aad..

Guddiga doorashada FEIT ayaa leh awood kama dambeysta ah ee aqbalida natiijada doorashada kuraasta iyo Xildhibaanka la soo doorto inuu siiyo kaarka aqoonsiga, iyagoona sharci darro ka dhigay kuraasta Baydhabo.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP103 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, isagoona cabasho ka gudbiyey kursigaas.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Guddiga Doorashada oo laalay kuraas lagu doortay Magaalada Baydhabo
To Top