WARARKA SOOMAALI

Guddiga Khilaafaadka oo dib u dhigay Go’aan ka gaarista kursiga HOP067

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa muddo todobaad dheeraad ah ku darsaday Go’aan ka gaarista kiiska cabashada ah ee laga soo gudbiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP067 oo kusoo baxay Taliyaha KMG ah ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Xallinta ayaa waxaa lagu sheegay in dacwada laga soo gudbiyey kursiga tirsigiisu yahay HOP067 ay leedahay laba dhinac, loona baahan yahay in si kala duwan baaritaano loogu sameeyo.

Guddiga ayaa tilmaamay in xubnaha baaritaanka cabashada laga gudbiyay kursiga HOP067 loogu daray muddo aan ka badneynin 10 maalmood oo dheeraad ah oo ka bilaabaneysa Maanta oo ku beegan 5-ta bishan December 2021.

Guddiga Khilaafaadka oo dib u dhigay Go’aan ka gaarista kursiga HOP067
To Top