WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Booliska oo shaaciyay in Dad loo qabtay Dhallinyaro lagu dilay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray Digniin ku socota Ciidanka dowladda qeybahooda kala duwan, kadib dilal saacadihii lasoo dhaafay Ciidamo ay ka geysteen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Cabditaax Aadan Xasan oo xalay shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda aan laga aqbali  doonin dhibaateynta shacabka, isla markaana tallaabo adeg la qaadi doono Askarigii dil u geysta qof shacab ah.

Wuxuu sheegay in Ciidamada looga baahan yahay inay dul-qaad muujiyaan, xiliyada ay marayaan waddooyinka mashquulka badan uu ka jiro, ayna joojiyaan rasaasta ay sida sharci darrada u riyadaan, isagoona xusay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo waxyeeleysa shacabka.

Afhayeenka Booliska ayaa xaqiijiyay in Askariga uu haatan xiran yahay, isla markaana sharciga la horgeyn doono isaga iyo Askar kale oo ka tirsan Milateriga, laguna tuhmayo inay dileen Sakariye Maxamuud Xasan iyo Sowdo Maxamuud Xasan oo walaalo ahaa.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa isna Warbaahinta u sheegay inay ka xun yihiin falalkii ka dhacay Muqdisho ee lagu dilay Sakriye, Sowdo iyo Mahad Cabdiraxmaan, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Booliska oo shaaciyay in Dad loo qabtay Dhallinyaro lagu dilay Muqdisho
To Top