WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay Rwanda

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa dalka Rwanda kaga qeybgalay shirka sanadlaha ah ee hoggaanka dalxiiska Afrika.

Wasiir Dubbe ayaa madaxda Afrika ee shirka ka qayb-gashay kaga war bixiyay horumarrada dhinaca dalxiiska ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya sanadahan dambe.

Shirka oo ahaa mid heer Wasiir, ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka socday in ka badan 22 Dal oo Afrikan ah, waxaana lagu gorfeeyay arrimo dhowra oo quseeya dalxiiska Qaaradda iyo sidii loo horumarin lahaa, iyadoo si weyn loogu lafa guray saamaynta dhaqaale ee Cudurka Covid-19 uu ku yeeshay dalxiiska Afrika.

Wasiir Dubbe ayaa intii uu ku sugnaa Rwanda wuxuu xarigga ka jaray shirkad Soomaaliyeed oo ka shaqaynaysa arrimaha dalxiiska, taasoo ay dhallinyaro Soomaaliyeed ka hirgeliyeen dhowaan Magaalada Kigali ee Caasimadda Rwanda.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool dalka Rwanda, isagoo ugu warbixiyay xaaladda guud ee Dalka iyo horumarrada ay samaysay Dowladda Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay Rwanda
To Top