WARARKA SOOMAALI

Xildhibaan kamid noqonaya Golaha Shacabka oo lagu doortay Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Maanta ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#193 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala Cabdulaahi Aadan Axmed (Black) iyo Cabdiqaadir Maxamed Cali (Baashi), waxaana kuraas horey uga geeriyooday Maxamuud Maxamed Bono.

Cabdullaahi Aadan (Black) ayaa ku guuleystay doorashadii Maanta ka dhacday Baydhabo, wuxuuna helay codad dhan 66 cod, halka musharaxii la tartamayey ee Cabdiqaadir Maxamed Cali (Baashi) uu isna helay 31 cod.

Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in codadkii la dhiibtay ay halaaween 3 Cod, iyadoona doorashada goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan Guddiga doorashada heer Federaal oo uu ku jiro Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda waxaa uu doortay 11 kursi, iyada oo weli Maamulada Jubbaland, Puntland & Hir-Shabeelle aysan bilaabin doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Xildhibaan kamid noqonaya Golaha Shacabka oo lagu doortay Magaalada Baydhabo
To Top