WARARKA SOOMAALI

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dalbaday in lasoo xiro Boqor Buurmadow oo ku…

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gudbiyeen dacwad ka dhan Cismaan Aw Maxamuud Maxamed “Boqor Buurmadow, si loo soo xiro, kaasi oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inay gudbiyeen dacwad ay ku codsanayaan in lagu soo xiro Buurmadoow.

“Dhanka kale waxaan ayidsanahay Banaanbaxa ay shacabka Gobolka Banaadir qabanqaabadiisa wadaan si ay uga dhiidhiyaan gefkii ka soo yeeray Buurmadoow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray uguna aqoonsaday “Dowlad” reerkiisu maamulo” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka.

Wuxuu Cali Yare Cali kusoo gaba-gabeeyay qoraalkiisa: “Sidii aan shalay sheegay hadalkii jeesjeeska ahaa ee Barmadoow ma noqon doono mid sidii sahlaneyd ee uu uyiri looga gudbo ee meel looga qanci karo ayaan uga soo hari doonnaa”

Dadka ka hadlay arrintan waxaa kamid ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad oo ugu baaqay Boqor Buurmadow in uu raaligelin ka bixiyo hadalka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dalbaday in lasoo xiro Boqor Buurmadow oo ku…
To Top