WARARKA SOOMAALI

Doorashada hal kursi oo Maanta lagu qabanayo Magaalada Baydhabo

Waxaa Maanta lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu qabto doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa qabanaya doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP193, kaas oo uu horay uga geeriyooday Alle ha u naxariistee Maxamuud Maxamed Bono.

Kursiga doorashadiisa Maanta ka dhaceyso Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartami doona Musharrixiinta kala ah,  Cabduqaadir Maxamed Cali (Injineer Baashi) & Cabdullaahi Aadan Axmed (Abdullahi Black)

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ilaa iyo hadda waxaa uu doortay 10 kursi, iyada oo weli Maamulada Jubbaland, Puntland & Hir-Shabeelle aysan bilaabin doorashada Golaha Shacabka.

Doorashada hal kursi oo Maanta lagu qabanayo Magaalada Baydhabo
To Top