WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wariye Cabdicaiis Afrika oo Caawa lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo fiidnimadii Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow Wasaaradda Ciyaaraha oo ku taalla degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa siweyn loo maqlay ayaa waxaa gaariga loogu xiray Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicaiis Maxamuud Guuleed Afrika, wuxuuna qarxay xili uu marayay meel ku dhow Wasaaradda Sports-ka.

Wariye Cabdicaiis Afrika ayaa waxaa marka hore soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana loo qaaday Isbitaal si loogu daaweyo, waxaana la dhaawacmay Agaasimaha Telefashinka Qaranka SNTN Sharmaake Maxamed Warsame.

Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicaiis Maxamuud Guuleed Afrika ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray qaraxii lagula eegtay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Wariye Cabdicaiis Afrika oo Caawa lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho
To Top