WARARKA SOOMAALI

Sacuudiga oo qaaday tallaabo weyn, kuna dhawaaqay inuu furayo Safaaradda Somalia

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhaawaqday maalintii shalay oo Jimco aheyd ay dib u fureyso safaaradeeda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in dib loo furayo safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha debadda sacuudiga ayaa dowladda Soomaaliya uga mahacelisay kaalinta ay ka qaadaneyso in dib loo furo safaaradda Sacuudiga ee Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxaa ay in dib u furista safaaradda ay door muuqda ka qaadaneyso xoojinta xiriirka labada dowladood iyo kor u qaadista wada shaqeynta labada dal.

Bil ka hor Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad. Al-Muwallad waa safiirkii labaad ee Sacuudiga u soo magacaabo Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, kadib, waqtiyadaas oo ahayd sannadkii 1991.

Sacuudiga oo qaaday tallaabo weyn, kuna dhawaaqay inuu furayo Safaaradda Somalia
To Top