WARARKA SOOMAALI

Koonfur Galbeed oo shaacisay kuraastii ugu horreeysay ee Doorashada Golaha Shacabka

Guddiga maamulka Doorashada (SEIT) ee heer Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ayaa shaaciyay qabashada 11- kursi oo ka tirsan kuraasta Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo loo gudbiyay Guddiga Doorashada heer federaal ayaa lagu shaaciyay sumadaha 11-ka kursi ee lagu qabanayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Kuraastan doorashadooda la qabanayo ayaa waxaa kamid ah sadex kursi ay ku fadhiyaan Sdaex Gudoomiye Baarlamaanka hore oo kala ah Maxamed Mursal, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Sheekh Aadan Madoobe.

#HOP193 Waxaa hore uga geeriyoodey Xil Maxamuud Maxamed Boonow

#HOP041 Idiris Cabdi Dhakhtar

#HOP042 Hani Maxamed Aadan

#HOP171 Iiman C/llaahi Cali

#HOP154 Sareedo Maxamed C/llaahi

#HOP180 Dahir Cabdi C/llaahi

#HOP171 Fowziyo Maxamed Sheekh

#HOP182 Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan

#HOP103 Maxamed Cusmaan Jawaari

#HOP213 Yacquub Cali Axmed

#HOP189 Sheekh Aadan Madoobe

 

Koonfur Galbeed oo shaacisay kuraastii ugu horreeysay ee Doorashada Golaha Shacabka
To Top