WARARKA SOOMAALI

Rooble oo War kasoo saaray Jadwalka ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi uga mahad celiyay shaacinta jadwalka doorashada 9 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka BFS iyagoo horayna u qabtay doorashada 2 xildhibaan.

”Waxaan ku boorrinayaa dhammaan dowlad-goboleedyada in ay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka si doorashada xildhibaannadu noogu soo idlaato ka hor dhammaadka sanadka ayuu yiri” RW Rooble.

“Waxaa naga go’an fududeynta doorasho hufan oo nabdoon, taas oo nooga baahan iskaashi iyo in aan wadajir uga shaqeyno” ayuu  qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labadii Xildhibaan ee ugu horreeyay ee Golaha Shacabka kana soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda doorashada Golaha Shacabka ay ka bilaabato maamul Goboleedyada.

Rooble oo War kasoo saaray Jadwalka ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Somaliland
To Top