WARARKA SOOMAALI

Qarax Argagax leh oo ka dhacay Magaalada Guriceel iyo khasaaro ka dhashay…

Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex carruur ah ay ku geeriyootay, halka saddex kale oo hooyada Qoyska ay ku jirto ku dhaawacmeen, kadib markii ay ku qaraxday haraadiga xabad saban ah oo carruurta geeriyootay ay kasoo qaadeen aaga xarunta Jaamacadda.

Taliska Booliska degmada Guriceel ayaa xaqiijiyay dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay, waxayna dadka dhibaatadan gaartay ka kooban yihiin hal qoys.

Hey’adaha Miino baarista ayaa horay uga digay waxyaabaha qarxa ee duugoobay ee looga tago deegaanada ay colaaduhu ka jiraan ama xerooyinka ciidamada ka guuraan.

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaalo xoogan  oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna oo markii dambe isaga baxay Magaaladaas.

Qarax Argagax leh oo ka dhacay Magaalada Guriceel iyo khasaaro ka dhashay…
To Top