WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo ka hadashay xukuno adeg oo lagu riday Askar ka tirsan AMISOM

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xukuno isugu jiray dil toogasho ah iyo xabsi oo lagu riday Askar ka tirsan Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda oo lagu helay inay dad shacab ah ku laayeen Gobolka Shabeellaha Hoose

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xukun lagu riday 5 Askari oo loo heysto inay dad shacab ah ku xasuuqeen degaanka Golweyn.

Wasiirka ayaa sheegay in laba kamid ah Askrta lagu riday xukun dil toogasho ah, halka saddex kalena lagu xukumay 39 sanno oo xasbi ah, waxaana uu Wasiir Cabdulqaadir Maxamed xusay in Maxkamadeynta ay muddo socotay, lana soo gaba-gabeeyay.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Cadaaladda ayuu tilmaamay in Guddi uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay baarista xasuuqii dhacay ay la socdeen baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay qaabka ay uu u dhacay falkii lagu laayay 7 ruux oo ku sugnaa Golweyn.

Wasiirka ayaa sheegay in fadhiga Maxkamadeynta shanta Askari ay goobjoog ka ahaayeen Wakiilo ka socday Ehelada dadka laga laayay, waxaana Ehelada dadka oo la hadlay warbaahina ay soo dhaweeyeen qaabka ay u dhacday Maxkamadeynta.

Dowladda Somalia oo ka hadashay xukuno adeg oo lagu riday Askar ka tirsan AMISOM
To Top