WARARKA SOOMAALI

Maxay uga hadleen kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Shariif?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygiisa ku hooqday Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynihii hore uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, ayaa isla gartay sida ay lagama maarmaan u tahay in deg deg loo bilaabo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo geba-gebeeyo ka hor dhammaadka sanadka.

Rooble Isagoo ka duulaya mudnaanta ay leedahay dedejinta howlaha doorashooyinka ayuu Ra’iisul Wassare Rooble xalay habka fogaan aragga kula yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo uu ku boorriyay in ay doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku soo gebagebeeyaan inta aysan dhammaan bishan December.

Kulankan ayaa imaanaya xili Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho walaac xoogan ka muujiyay dib u dhaca dheer ee ku yimid doorashada Soomaaliya gaar ahaan tan Golaha Shacabka.

Maxay uga hadleen kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Shariif?
To Top