WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-RW Rooble oo safar dhulka ku tegay Degmada Balcad iyo Ilaalo badan oo…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa safar dhulka ah goordhaweyd ku gaaray degmada Balcad.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa safarka ay ku tageen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku wehlinaayay Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wsaaraha Xukuumadda ayaa waxaa gudaha degmada Balcad kusoo dhaweeyay Maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan, waxaana Rooble iyo Guudlaawe ay kulan la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta degmadaas.

Ammaanka guud ee degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa amniga Magaalada sugaya Ciidanka Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo kuwa dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

Wadada isku xirtas Magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad oo dhererkeedu gaarayo 37-KM ayaa wejiga hore ee dayactirka lagu sameeynayo ay soo gaba-gabowday iyadoo la filayo in wajiga labaad dhawaan la bilaabo.

SAWIRRO:-RW Rooble oo safar dhulka ku tegay Degmada Balcad iyo Ilaalo badan oo…
To Top