WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo farriin Deg-deg ah u diray Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay Madasha Arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabishay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee XFS.

Madashan oo ay ka  soo qeyb galeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay in roobabkii la filayay oo aan ka bilaabin inta badan qeybaha dalka ay sababeen cunto yari iyo abaaro, taas oo keentay xaalad bani’aadminimo oo sii xumaaneysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarku in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen,si looga hortago macluul la mid ah tii dalka ka dhacday sanadkii 2011.

Si kastaba degaano ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa xiligaan ka jira abaaro iyo biyo la’aan  baahsan oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka iyo duunyada, iyadoona abaarta ay ku la’deen xoolo farabadan oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo farriin Deg-deg ah u diray Beesha Caalamka
To Top