WARARKA SOOMAALI

26 Milyan oo qof oo ku Barakacay Dhul-gariirkii dalalka Turkiga & Syria

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay inay labadaasi Dhul-gariir ku barakaceen ku-dhawaad 26 milyan oo qof, isla markaana ay ku dhinteen 25,000 oo qof.

Warbixinta WHO ayaa waxaa kaloo lagu xusay inay waxyeelo soo gaareen Tobaneeyo Isbitaal.

Dhanka kale,  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa waxa uu booqday Isbitaalo ku yaalla Gobalka Aleppo ee dalka Syria, isagoo u kuurgalay dadka ku dhaawacmay Dhul-gariirkii ka dhacay Waqooyiga dalkaasi.

Waxa kale oo uu Dowladda Syria gaarsiiyey Shixnad Gargaar loogu talagalay dadka ay waxyeelada ka soo gaareen Dhul-gariirka.

26 Milyan oo qof oo ku Barakacay Dhul-gariirkii dalalka Turkiga & Syria
To Top