WARARKA SOOMAALI

Doon ay la socdeen Boqolaal Tahriibayaal ah oo gacanta lagu dhigay & Meydka Wiil yar

Maamulayaasha Gobalka Tobruk ee Bariga dalka Liibya ayaa sheegay inay qabteen dooni oo ay la socdeen 500 oo Tahriibayaal sharci darro ahaa.

Twitter-ka Shabakada Wararka ee The Libya Observer (@Lyobserver) ayaa lagu soo daabacay Warka ku aadan in la qabtay dooni ay la socdeen 500 Muhaajiriin sharci-daro ah, xilli ay ku sii jeedeen xeebaha Midowga Europe.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin dalalka ay ka soo kala jeedaan boqolaalka Muhaajiriinta ee doonidii ay la socdeen lagu qabtay xeebaha Bariga dalka Liibya.

Dhinaca kale Maydka Wiil yar ayaa laga helay dooni ay la socdeen 30 Tahriibayaal badankooda Afrikaan ah oo ku qalibantay meel ka baxsan Jesiirada Lesbos ee dalkaasi.

Doonida oo ahayd nooca Caaga ee la buufiyo ayaa waxaa la sheegay inay herdisay ama ku dhacday Jamallo ama dhagxaan (Rocks)  dhex qotonsan Badda, gaar ahaan meel ku dhow Xeebta Deegaanka Fara ee Jesiiradda Lesbos.

Doon ay la socdeen Boqolaal Tahriibayaal ah oo gacanta lagu dhigay & Meydka Wiil yar
To Top