Site icon HORUFADHI MEDIA |

Yaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland?

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland ayaa Maanta waxaa ka dhacday doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana doorashada ku tartamay laba musharax oo kamid ahaa Golaha.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha wakiilada ayaa waxaa loo doortay xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, isagoona doorashada kula tartamay musharax Maxamed Khadar.

Xildhibaanada Golaha ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, kaasi oo helay 46 cod, halka musharraxii la tartamayey Maxamed Khadar uu isna helay 35 cod, Guddoonka golaha wakiilada Somaliland ayaana sidaasi ku dhawaaqay.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana kamid ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo wasiirka warfaafinta Saleebaan Koorre.

Exit mobile version