Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xukuumadda Soomaaliya oo taageero weydiisatay mid kamid ah dalalka Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Filand ee Soomaaliya, Pirkka Tapiola.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dadaallada dib-u-xoreynta ee dowladdu ay ku ciribtiteyso kooxda khawaarijta ah.

Mr. Pirkka Tapiola ayaa bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dib-u-xoreynta, waxuuna caddeeyay in dowladda Filand ay joogteynesyo garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Filand uga mahad celiyay garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay ka geysato arrimaha horumarinta bulshada gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.

Exit mobile version