Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xukuumadda iyo Mucaaradka S/Land oo Go’aan cusub kasoo saaray xaalada Laascaano

Xukuumadda Somaliland iyo Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa maanta ku heshiiyay in si nabad ah lagu dhammeeyo xiisada ka taagan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalo culus.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda xisbiyada mucaaradka UCID iyo Waddani ee Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ciro iyo Feysal Cali Waraabe ayaa maanta ku yeeshay magaalada Hargeysa, iyagoona go’aankaas kasoo saaray kulankooda.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in xiisada Laascaanood lagu dhammeynayo si nabad ah, isla markaana isku raacay  laga fogaado wixii colaada sii hurin kara, xilli Somaliland xasuuq ba’an ay ka wado Laascaanood.

“Shir maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Wadani ayaa waxa lagu go’aamiyay in arrimaha si wada-jira loo wajaho lagana wada tashado,” ayaa lagu yiri Warka lasoo saaray.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta ay yeesheen mucaaridka iyo xukuumadda is-afgarad looga gaaray khilaafka doorashada, kaasi oo loo xil-saaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si loo sii amba-qaado kulan heshiis kama dambeys ah.

Exit mobile version