Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xogta Xildhibaanada Somaliland oo lagu wareejiyay Guddiga Doorashada Federaalka

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Goballada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa maanta Guddiga hirgalinta dooorashooyinka Heer Fedearal ku wareejiyey xogta iyo galalka 57-Xildhibaan ee labada Aqal ee Soomaaliland oo lagu dortay magaalada Muqdisho.

Dowlad Goboleedyada Puntlad iyo Koonfur Galbeed ayaa si dhameystiran u wareejiyay dhammaan xogta iyo dukumeentiyada xildhibaanada lagu soo doortay Puntland iyo Koonfur Galbeed, halka Jubbaland ay wareejisay xildhibaanada lagu soo doortay deeggaan doorashada koowaad oo kaliya, waxaana ku hasan  xogta Xildhibaanada deeggaan doorashada labaad oo aan wali la dooran

Guddiga Doorashada Goballada Waqooyi Soomaaliland ayaa noqday guddigii ugu horreeyay ee soo idleeya doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo oo soo idleeyay doorashada 21 Febraayo 2022, Halka maamullada doorashada Banaadiriga, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ay soo dhameeyeen dhammaan xildhibaanada labada aqal wallow Jubbaland ay soo idleysay doorashada deeggaan doorashada koowaad, Hirshabeelle ayaa sido kale wali dhameytirin dooashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federal ayaa 16 March 2022 sheegay in 24 march 2022  ay hubin doonaan dhammaan xogta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa lagu waday in ay soo idlaato 15 march 2022 balse dib u dhac kale ayaa ku yimid.

Exit mobile version