Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xogta Kumanaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Somalia

Kumanaan askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay soo galeen saacadihii lasoo dhaafay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, sida ay sheegayaan wararka  laga helayo halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in Ciidamo badan oo lagu qiyaasay ilaa 4-kun oo askari, isla markaana wata gaadiidka dagaalka ay qaab lug ah kusoo galeen degmada Matabaan, waxa ayna ciidanka kasoo gudbeen dhinaca xadka Hiiraan la wadaago Itoobiya.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Sheekeeye ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Itoobiyaanka saraakiishooda ay la shireen, waxa uuna xusay in markii dambe ciidankaasi dib ugu laabteen dhinaca xadka.

Ciidanka Itoobiyaanka ee soo gaaray Hiiraan ayaa la tilmaamay in ay daba socdeen dagaallamayaal ka tirsan Al Shabaab oo agaasi lagu sheegay sida laga soo xogtay saraakiisha ciidanka Itoobiyaanka ee maanta soo galay Matabaan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaan wali si rasmi ah uga hadlin ciidankan Itoobiyaanka ah ee soo gaaray degmada Matabaan iyo deegaano kale oo ku dhow.

Arrintaan ay ciidanka Itoobiya ka socda kusoo galeen gudaha dalka ayaa kusoo aadeysa, xilli dowladda Soomaaliya horey ugu baaqday in dalka ka baxaan ciidanka Itoobiyaanka ah ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Exit mobile version