HORUFADHI MEDIA |

SAWIRO: Antonio Guterres oo Maanta soo gaaray Muqdisho & Amniga oo la adkeeyay

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo talaado ah soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo madax kale.

Antonio Guterres ayaa waxa uu ujeedkiisa yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana safarkiisa uu yahay mid sanadle ah oo bisha Ramadaan uu ku tago dalalka ay ku badan yihiin dadka muslimiinta.

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, isla markaana waxaa la xiray waddooyinka ugu waaweyn ee magaalada oo la geeyay ciidamo farabadan, kuwaasi oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay maraan.

Si kastaba, waa markii labaad oo uu Muqdisho booqasho ku imaanayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxayna aheyd markii u dambeysay 2017, xilligaas uu dalka Madaxweyne ka ahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Exit mobile version