Site icon HORUFADHI MEDIA |

XOG:-Deni iyo Axmed Madoobe oo ku heshiiyay Qodob aan suura-gal aheyn

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa weli Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uga socda kulamo looga hadlayo Doorashooyinka dalka..

Labada Madaxweyne ayaa kulamo kala duwan oo qaatay saacado dhowr ah ka yeeshay Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka imaanaya Puntland iyo Jubbaland.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in labada Mas’uul ay isla garteen Qodob aan markii hore la filayn, kaas oo la xiriira in Doorashada Golaha Shacabka lagu koobo hal magaalo oo keliya.

Arrintan ayay ku saleeyeen Amni-darro ka jirta Magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarrey ee Gobolada Gedo iyo Hiiraan oo sida ay sheegeen aysan suurta-gal ahayn in Doorashooyin lagu qabto.

Labada Madaxweyne ayaa isla gartay in Arrintaas ay ka wada-hadlaan Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadu si loo dardar geliyo Doorashada Golaha Shacabka oo gaabis ku jirta.

Exit mobile version