Site icon HORUFADHI MEDIA |

Xilliga Codka kalsoonida loo qaadayo Xukuumadda RW Xamse oo la shaaciyey

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Axad ah yeelanaya mid kamid ah kulamadooda caadiga ah, waxaana kulankaas uu yahay uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre hortegayo.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay kalsooni u qaadida Xukuumadda cusub ee uu maalmo kahor soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xildhibaannada ayaa laga codsaday inay soo xaadiraan kulankaan oo muhiim ah, waxaana ajendaha uu yahay anisixinta golaha wasiirada magacaaban ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa golaha shacabka Soomaaliya hortegi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo marka hore xildhibaannada Soomaaliya weydiisan doono inay meel-mariyaan xukuumadda uu soo dhisay, si ay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Golaha wasiirada ee magacaaban ayaa maalmihii u dambeeyey waday kulamo xod-xodasho ah oo ay xildhibaannada uga codsanayaan inay meel-mariyaan xukuumadda cusub,

Exit mobile version